Sharraxaad: Saddex arrimood oo Trump iyo Netanyahu ay isku khilaafsan yihiin.

Sharaxaad: Saddex arrimood oo Trump iyo Netanyahu ay isku khilaafsan yihiin dagaalka Iiraan — iyo sababta
24-kii saac ee u dambeeyey waxay u muuqdaan inay muujiyeen khilaafkii ugu muuqday ee u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday.


Tan iyo weerarradii furitaanka ee dhacay 28 Febraayo, ciidamada labada dal waxay si weyn ugu shaqaynayeen isku tallaabo, balse hadda way caddahay in heerka dowladeed ay jiraan kala duwanaansho ku saabsan qaar ka mid ah yoolalka dagaalka.
Haddaba, maxay tahay arrimaha ay Israa’iil iyo Mareykanku isku khilaafsan yihiin?


1.⁠ ⁠Ciidamo lugta ah oo dhulka gala Netanyahu ayaa shalay ku adkaystay inay jiraan “fursado” ku saabsan faragelin ciidan oo dhulka ah, isaga oo sheegay in kacdoonno aysan ku guuleysan karin duqeymo cirka ah oo keliya.


Trump-na isla maalintaas wuxuu sheegay inuusan “meelna ciidan u dirayn”, maadaama tallaabadaas aysan u badnayn inay ka farxiso taageerayaashiisa ku saleysan siyaasadda “America First”.


2.⁠ ⁠Kaabeyaasha tamarta Israa’iil waxay u muuqataa inay diyaar u tahay beegsiga xarumaha tamarta ee Iiraan, taasoo ugu dambayn horseeday weerarradii toddobaadkan lagu qaaday goobta gaaska ugu weyn dunida.
Trump wuxuu sheegay inuu Netanyahu u sheegay inuu ka fogaado weerarrada noocaas ah, arrintaas oo Netanyahu uu shalay sheegay inuu ku raacay.

Saraakiil Mareykan ah ayaa la sheegay inay aad uga caroodeen markii Israa’iil ay horaantii dagaalka weerartay bakhaarada shidaalka ee Iiraan.


3.⁠ ⁠Yoolalka ballaaran ee dagaalka Markii ay su’aalo weydiinayeen guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiillada, Tulsi Gabbard oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka Mareykanka waxay shalay tiri:
“Yoolalka uu madaxweynuhu dejiyey way ka duwan yihiin yoolalka ay dejisay dowladda Israa’iil.”
Gabbard waxay sheegtay in Israa’iil ay diiradda saarayso curyaaminta hoggaanka Iiraan.
Waxay intaas ku dartay in yoolka Donald Trump uu yahay burburinta halista gantaallada Iiraan iyo ciidankeeda badda.