Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku Kacaya $480 Milyan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay oo Isniin ahayd si rasmi ah u daah-furay mashruuca “Salaam City,” oo ah Mashruuc weyn oo lagu dhisaayo deegaan casri ah oo ay hirgelinayso Shirkadda Salaam Real Estate, kaas oo ku kacaya lacag dhan $480 milyan oo u dhiganta (85 bilyan oo Faranka Jabuuti ah).

Munaasabadda daah-furka ayaa lagu qabtay goobta mashruuca ee degmada Nagaad, oo ku taalla duleedka Caasimada, halkaas oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kormeeray saddexda guri ee ugu horreeyay ee la dhammaystiray, isla markaana uu ka qeyb qaatay dhigista dhagax-dhigga astaanta u ah bilowga wejiga ugu weyn ee dhismaha mashruuca oo ka koobnaan doona in ka badan 7,000 oo guri, oo ku fadhiyaa dhul dhan 2.4 milyan oo mitir oo laba jibbaaran.

Shirkadda Salaam Real Estate oo gacanta ku haysa hirgelinta ayaa sheegtay in Salaam City uu yahay mashruuc weyn oo isku dhaf ah oo dhinaca guryeynta ah, loona qaabeeyey qaab magaalo, waxaana uu yeelan doono adeegyo dhammaystiran oo ay ka mid yihiin toddobo dugsi, isbitaal iyo xarumo caafimaad oo si casri ah loo qallabeynayo, masaajido, xarumo ganacsi, xafiisyo,ss goobo madadaalo, Beeraha nasashada iyo goobo loogu talagalay jimicsiga.

Maareeyaha guud ee shirkadda Salaam Real Estate, Mustafe Liibaan, ayaa sheegay in mashruucu uu qeyb ka yahay isbeddelka dhaqaale ee dalka Jabuuti, isagoo xusay in Salaam City loo qaabeeyey inay ka jawaabto isbeddelkaas, iyadoo aan la dhisayn oo keliya guryo, balse la abuurayo bulsho loo dhan yahay oo qoysasku ku heli karaan guryo tayo leh, adeegyo casri ah iyo deegaan ammaan ah.

Dhanka kale, maareeyaha Salaam African Bank, Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in bangigu uu fududeyn doono helitaanka guryaha, iyadoo la adeegsanayo nidaamka maaliyadda Islaamiga ah si ay uga faa’iideystaan qoysaska dakhligoodu kala duwan yahay, si ay u awoodaan iibsashada guryaha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashruuca uu abuuri doono ilaa 2,000 oo shaqo inta lagu jiro marxalada dhismaha, iyadoo la filayo in dadka ugu horreeya ay degaan sanadka 2028. Jabuuti waxay si weyn u maalgelisay dekedaha, tareennada iyo kaabayaasha saadka tobankii sano ee la soo dhaafay, taasoo qayb ka ah aragtida Madaxweynaha Jabuuti ee 2035 oo ujeedkeedu yahay in la horumariyo dhaqaalaha dalka.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in helitaanka guryo tayo leh, abuurista fursado shaqo iyo dhisidda bulshooyin casri ah oo loo dhan yahay ay yihiin tallaabooyin si toos ah u maalgeliya wanaagga shacabka iyo mustaqbalka dalka, isagoo tilmaamay in mashruuca Salaam City uu tusaale u yahay dadaaladaas.