MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA DIGAY DHIILLADA SIYAASADEED EE KA TAAGAN KOONFUR GALBEED
Madaxwaynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo walaac ka muujiyey xaalaadda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay Dowladda Federaalku ku wajahday.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in xaaladdan cakiran ay halis ku tahay xasilloonida deegaanka, badqabka shacabka reer Koonfur Galbeed iyo dadaallada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ugu dambayn, Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyey inay weli jiraan fursado iyo xal siyaasadeed oo lagu dejin karo xaaladdan cakiran haddii Dowladda Federaalku ay la timaaddo niyad wanaag iyo wadahadal dhab ah oo ay ka gasho arrimaha doorashooyinka dalka.



