Odowaa muxuu hadda musharrax u noqday?, Falanqeyn aragtiyeed

By Abdi Ahmed,
Falanqeyn aragtiyeed


Go’aanka Cabdiraxmaan Odowaa uu hadda isu sharaxay ma aha mid kedis ku yimid, mana aha oo kaliya damac siyaasadeed oo cusub. Waa tallaabo ka dhalatay cadaadis siyaasadeed, cabsi mustaqbal iyo dareen sii xoogeysanaya oo ah in laga riixayo bartamaha saaxadda siyaasadda.


Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan tan ku xeeran Villa Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada, qofka aan booskiisa ilaashan wuxuu si dhaqso leh uga dhacaa miisaanka awoodda. Taas ayaana u muuqata waxa Odowaa ku qasbay inuu go’aan cad qaato: inuu musharrax noqdo, halkii uu ka sugi lahaa in fursado loo abuuro.


Sababta koowaad ee arrintan riixday waa in Odowaa uu si cad u arkay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan Galmudug uga dhisayn mustaqbal siyaasadeed isaga ku tiirsan. Taa beddelkeeda, waxaa muuqata in siyaasiyiin kale loo diyaarinayo door muuqda oo saameyn leh. Siyaasi kasta marka uu dareemo in xaruntii uu filayay in laga aqoonsado lagu beddelayo wejiyo kale, wuxuu fahmaa in haddii uusan dhaqso uga jawaabin, gebi ahaanba laga saari karo safka hore. Odowaa wuxuu u muuqdaa nin halkaas fariinta ka akhriyay.


Sababta labaad waa xisaabta ku saabsan xilalka dowladda. Waxaa muuqata in xilalkii waaweynaa ee harsanaa aysan wax rajo ah uga furnayn Odowaa. Xitaa haddii isbeddel yimaado, waxaa sii badanaya dareenka ah in dad kale laga hormarinayo. Marka siyaasi arko in albaabadii magacaabista ay kusii xirmayaan, wuxuu badanaa doortaa inuu furo albaab kale oo ah tartan toos ah. Sidaas darteed, musharraxnimada Odowaa waxay u muuqataa isku day uu ku badbaadinayo magaciisa, miisaankiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.


Sababta saddexaadna waa isbeddelka ku yimid cidda maanta ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa si isa soo taraysa u muuqata in siyaasiyiin kale ay yeesheen saameyn ka xoog badan awooddii uu lahaa kalii hore ee xasan Sheekh (2012-2017-ka), taasoo si toos ah hoos ugu dhigtay doorkii iyo codkii Odowaa.

Siyaasadda gudaheeda, marka aad lumiso marin toos ah oo aad ku gaarto madaxa talada haya, waxaad luminaysaa qeyb weyn oo awooddaada ah. Odowaa wuxuu u muuqdaa inuu gartay in joogitaankaas uu sii yaraanayo, sidaas darteedna uu doortay inuu sameeyo muujin siyaasadeed oo culus.


Marka arrimahaas la isku geeyo, musharraxnimada Odowaa ma aha oo keliya go’aan tartan; waa fariin siyaasadeed. Waa fariin leh: “Weli waan joogaa, welina waa in la i tixgeliyaa.” Wuxuu isku dayayaa inuusan noqon siyaasi sugaya naxariis ama magac-u-yeeris, balse uu isu beddelo ciyaaryahan si toos ah garoonka ugu jira.


Su’aasha weynse waxay tahay: musharraxnimadani ma noqon doontaa mid dhab ahaan dhista awood cusub, mise waxay ahaan doontaa keliya falcelin ka dhalatay cabsi iyo cidlo siyaasadeed? Halkaas ayaa laga ogaan doonaa in Odowaa uu weli leeyahay awood uu ku mideyn karo taageero, ama in go’aankiisu yahay keliya mid uu ku muujinayo inuusan weli ka harin ciyaarta.


Si kastaba ha ahaatee, hal arrin ayaa muuqata: Odowaa musharraxnimada kuma gelin raaxo iyo firaaqo siyaasadeed, balse wuxuu ku galay duruufo ku riixay inuu doorto jidka ugu adag si uusan uga bixin xisaabta awoodda