WARSAXAAFADEED.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), wuxuu la wadaagayaa hay’adaha dawladda iyo shacabk Soomaaliyeed arrimaha soo socda:
(1) Tallaabo maamul kasta, magacabid kasta iyo dhaar kasta oo ay fulinayso hay’ad dawladdeed waa in loo raacaa axkaamta ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo ama arrin kasta oo kasoo horjeeda Dastuurka waxa ay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana waajib dastuuri ah noqonaysa in la saxo oo laga dhigo mid sharci ah.
(2) Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka midka ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waa in ay banneeyaan xilka muddada ku xusan Qodobka 191aad, Faqradda 2aad si waafaqsan Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f) iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka. Sidoo kale, xilkii dambe oo la magacaabo waa in loo raacaa habraaca ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(3) Guddigu wuxuu soo saarayaa khariidad cad oo la xiriirta kalaguurka iyo dhaqangelinta Dastuurka, wuxuu sidoo kale soo saari doona qorshaha wacyigelinta Dastuurka.
(4) Guddigu wuxuu ku dadaalayaa in muwaaddin kasta uu helo nuqul ka mid ah Dastuurka sida ugu sahlanna lagu gaarsiiyo dhammaan muwaadiniinta.
Wa Billaahi Tawfiiq



