Hordhac
Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa ka dhacay magaalamadaxda dalka ee Muqdisho, 25kii Abriil 2026. Muqdisho, oo taariikh ahaan martigelisay dhacdooyin waaweyn oo siyaasadeed, kuwo bulsheed iyo kuwo dhaqan, ayaa maalintaasna xejisatay ahaanshaheeda caasimadda iyo kulmisada ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda caleemasaarka oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne faro badan, madaxdhaqameedyo, siyaasiyiin, waxgarad iyo martisharaf kala duwan, waxay ahayd munaasabad dhaqan oo saamayn weyn yeelatay. Taas oo muujisay qiimaha uu hoggaanka dhaqanku weli ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
Mar kale, Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq waa dibusoonoolaynta iyo cusboonaysiinta kaalintii dhaqanku ku lahaa bulshada dhexdeeda. Waa adkaynta milgaha dhaqanku leeyahay iyo muujinta kaalinta duubabka Soomaaliyeed.
Milgaha iyo Meelkasoojeedka Ugaaska
Ugaas Cabdirisaaq wuxuu ka dhashay, oo uu ku abtirsadaa, “silsilad ugaasnimo” oo magac iyo maamuusba ku leh dhaqanka Soomaaliyeed: Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde. Magacyadan xiriirsan, inkastoo ay yihiin abtirsiin qoys oo lagu arooro, haddana, sidoo kale, waxay u taaganyihiin xusuus maamul (administrational memory) oo tilmaamaysa dhaxal hoggaamineed oo soojireen ah, xil iyo masuuliyad fac-ka-fac isaga soo gudubtay. Silsiladdani waxay muujinaysaa in hoggaandhaqameedku yahay hannaan maamul oo ka sarreeya qofka duubka (ama “usha”) haya. Haddii ”ugaasku” qof yahay, “ugaasnimadu” waa ismaamul bulsho oo ku timaadda taariikh maamul oo la kala dhaxlay iyo ammaano bulsho oo wadajir loo dhowray. Sidaas darteed, Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq waa sii taabbagelinta habmaamulka guunka ah ee beesha Murusade.
Hannaanka Xulashada iyo Caleemasaarka
Xulashada Ugaasku waxay ku dhisan tahay hannaan dhaqameed oo soojireen ah, kaasoo lagu ilaaliyo dhaxalka xukun, kaladanbaynta iyo iskutiirsanaanta bulshada. Sida xogta dhaqanku tilmaamayso, beesha Abakar oo ah yaraanka Murusade ayaa soo dhiraandhiriya xulashada ugaaska, ka dibna waxaa loo gudbiyaa beesha Hilibi oo ah curadka Murusade, halkaasoo lagu dhammaystiro oggolaanshaha guud ee beesha iyo munaasabadda caleemasaarka. Waxaa xeer ahayd in tolku keeno: nin xamlan (oo masuuliyad qaadi kara), ximran (oo da’dii uu masuuliyadda ku qaadi lahaa jooga) oo xukman (kaasoo doorasho la isla oggolaaday ku yimid).
Hannaankani wuxuu tibaaxayaa in caleemasaarka ugaasku uusan ahayn go’aan qof ama qoys ku kooban; wuxuuna caddaynayaa in xulashada ugaasku tahay nidaam leh saldhig dhaqan iyo mid bulsho. Waa hab iyo hannaan hufan oo ay bulshadu ku hubiso in qofka xilka loo dhiibayo uu leeyahay hidde xukun, xigmad hoggaamin iyo xalaalmiiradnimo. Waa hannaan hubineed oo qofka masuuliyaddaas qaadaya looga eegayo in uusan lahayn sifooyinkan liita ee aan hoggaamiyahaas oo kale loo oggolayn, kuwaas oo kala ah: guddoon jilicsan, gacan guran iyo gar leexsan.
Sooyaalka Ugaaska
Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi, oo ah Ugaaska 14aad ee beesha Murusade, wuxuu ku dhashay degaanka Jacar ee hoos yimaadda magaalada Ceelbuur, taariikhdu markay ahayd 20kii Oktoobar 1993dii. Dugsiga Quraanka ayuu halkaas ku dhigtay, ka dibna wuxuu u soo wareegay Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare.
Waxbarashada sare, wuxuu shahaadada kowaad ee jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO, isagoo bartay Maamulka Ganacsiga (Business Administration). Waxbarashadani waxay Ugaaska siisay aqoon casri ah oo uu kula jaanqaadi karo xilkan dhaqameed ee uu xanbaaray, kaasoo u baahan fahan bulsho, mid maamul iyo xiriir dadweyne, intaba.
Dhanka khibradda shaqo, Ugaasku wuxuu Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ka soo noqday Hay’adda Somali Training and Consultancy Organization (SOTCO). Sidoo kale, wuxuu kormoore (supervisor) ka soo noqday Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Intaas waxaa dheer, wuxuu Lataliyaha Saadka (logistics) ka soo noqday Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka. Waaya-aragnimadan kala duwan waxay Ugaaska dhaxalsiisay habdhaqan toolmoon oo ay xilkasnimo iyo xishood ugu mudanyihiin.
Qofka “ugaaska” ahi, meel kasta ha joogee, waa geed harac ah oo harkiisa la hoosgalo, marka kulka cadceeddu badanyahay. Taas oo ka dhigan in “ugaasku” yahay: musdanbeed loo irkado markay talo murugto, marjic la soo tammadiyo markay xaajo adkaato, guurti laga sugo marku xaal cakirmo, iyo ruugcaddaa la soo bido dejinta xiisadaha aloosan iyo isu-soo-dhowaynta darafyada isdiiddan.
Sidaas awgeed, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde waxaa hor yaalla hawlo waaweyn oo ay ka midyihiin: (1) inuu dhaxalka ugaasnimo u beddelo adeeg bulsho oo dhab ah; (2) inuu noqdo codka nabadda; (3) inuu mideeyo jiilasha kala duwan; (4) inuu dhaqanka ku lammaaniyo aqoon, caddaalad iyo masuuliyad; (5) isla markaasna uu bulshadiisa ku hoggaamiyo talawadaag, degganaan, aragtidheeri iyo hiraal fog.
Astaamaha Hoggaamineed ee Ugaaska
Ugaas Cabdirisaaq, oo hiddaysanaya, waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay hoodaale, maadaama caleemasaarkiisu noqday madal wadajir ummadeed. Wuxuu noqday hoggaan lagu soo wada hirtay; loo wada hanweynaaday; la wada hanbalyeeyay; oo horseed u noqday ibafurka gogol qaran oo huwan nabadayn, midnimo iyo horusocod.
Ra’iisalwasaarihii Hore ee Xasan Cali Khayrre ayaa madasha ka sheegay: “in Ugaas Cabdirisaaq noloshiisa u hibeeyay inuu u khidmeeyo dadkiisa, dalkiisa iyo dhammaan degaannada ay ummadda Soomaaliyeed deggan tahay.” Hadalkaasi wuxuu diirka ka caddeeyay in Ugaasku yahay nin leh mug iyo miisaan, macne iyo muunad, maamuus iyo milgo.
Macnaynta Munaasabadda iyo Mugweynida Madasha
Caleemasaarka Ugaaska Cabdirisaaq wuxuu qabsoomay xilli ay waayadan dhabanayeen dabaylo siyaasadeed oo xooggan. Sidaas darteed, munaasabaddani waxay yeelatay macne ka ballaaran caleemasaarid dhaqameed. Madashu waxay isu keentay qeybaha kala duwan ee awoodda iyo saamaynta leh: dawlad, dhaqan, ganacsi, aqoon, culimo, siyaasiyiin hore, haldoor bulsho iyo ergooyin ka kala yimid gobollada dalka iyo dibeddiisa. Sidaas darteed, caleemasaarku ma noqon munaasabad ay beel Soomaaliyeed ugaas ku caleemasaaratay, wuxuuse isu rogay barkulan qaran.
In ka badan boqol qof ayaa munaasabadda darteed uga yimid gobollada dalka iyo dibedda. Martida timid waxaa ka mid ahaa Safiirka Dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya; Safiirka Dawladda Jabuuti ee Soomaaliya; Safiirka Dawladda Itoobiya ee dalka Koonfur Afrika u fadhiya iyo Wasiirka Caddaaladda ee Dawladdegaanka Soomaalida, kuwaas oo labaduba ka soo jeeda beesha Karanle (oo uu Ugaasku ku abtirsado).
Sida xogaha la helay muujinayaan, 38 duubdhaqameed ayaa madasha ka hadlay, halka 57 qof ay wadarta guud hadleen. Tirada martida la sheegay way kala duwanaan kartaa, waxaanse shaki ku jirin in kaqeybgalku ahaa mid aad u ballaaran, saamaynta madashuna ay gaartay dunida daafaheeda.
Habka loo agaasimay xafladda, hadalladii laga jeediyay iyo kaqeybgalka ballaaran ee bulshadu u dhammayd, waxay dhammaantood xanbaarsanaayeen farriimo waaqica taabanaya. Khudbadihii goobta laga jeediyay ayaa si isdabajoog ah u xoojinayay muhiimadda hoggaanka dhaqameed ee bulshada.
Masuuliyiinta iyo waxgaradka hadlay ayaa ka markhaatikacay in Ugaasku yahay nin leh aqoon, dulqaad iyo waaya-aragnimo ku filan xilka loo duubay. Waxay kaloo ka maragkaceen karaanka ay beesha Murusade u leedahay martigelinta iyo isukeenidda bulsho baaxaddaas leh.
Dhaqanka iyo Bulshada
Bulshada Soomaaliyeed ma aysan lahaan jirin nidaam xukun oo boqortooyo ama diimeed oo qabaa’il kala duwan iyo degaan ballaaran hal mar xukuma (Mansuur, 2016). Sidaas darteed, reerkii Soomaaliyeed ee kastaa, waxay lahaan jireen: waayeel taliya, wiil dirira iyo wadaad duceeya. Madaxdhaqameedyadu waxay ku jireen kaalinta dawladaha casriga ahi ay maanta innoogu jiraan.
Tolka kasta wuxuu gaar u lahaa hoggaan dhaqan iyo madax uu isugu doorto oo duubto—kaas oo udubdhexaad u ahaa hawlaha beesha—isaga ayaa isku dumi jiray oo abaabuli jiray wixii tolku u baahdo, sidaas awgeed bay waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa: “Duub waa isku dume”. Dhaqanka Soomaaliyeed, “ugaasku” ma aha hoggaamiye magacuyaal ah (symbolic), ee waa astaan midnimo, ergay nabaddoonnimo, iyo caroog u dooda xaqa bulshadiisa ka maqan. Sidaas daraaddeed, tolku wuxuu ku dhaqnaa: “nin qaldan qabashadiis, nin qatan quudintiis iyo nin qumman quwayntiis”.
Soomaalidu, muddo dheer, waxay hoggaanka dhaqanka u adeegsan jirtay dhexdhexaadinta, nabadaynta, xalinta ismariwaaga, ilaalinta wadanoolaanshaha iyo deminta colaadaha sokeeyaha ay qardoofuhu kala gaaraan.
Duubabka dhaqanku waxay ahaayeen, ilaa iyo haddana yihiin, musdanbeedka talawadaagga iyo guurti u taagan ilaalinta wadajirka iyo wax-isu-ahaanshaha bulshada. Tusaale, Ugaas Cabdirisaaq waxaa ku caanashubay beesha Murusade, wuxuuse ugaas u yahay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, oo waa siday murtidii Soomaaliyeed ahayde: “isinku reerka wuu ka dhashaa ee uma dhasho”.
Sidaas darteed, marar badan, saamaynta madaxdhaqameedku waxay gaartaa meel aysan midda siyaasiyiintu gaarin, gaar ahaan marka arrintu la xiriirto dibuheshiisiin, nabadayn iyo isusoojiididda bulshada. Inkastoo ay jiraan nidaamyo dawladeed oo casri ah, misana weli kaalintii madaxdhaqameedku wax si dhimmaystiran u buuxiya lama helin.
Muxuu Caleemasaarkani La Gaaryahay?
Caleemasaarka Ugaaska Guud ee Beelweynta Murusade wuxuu noqday madal kulmisay rag siyaasad ku kala tegay iyo saaxiibbo kala baaday. Wuxuu noqday barkulan mideeyay labeentii ummadda iyo goob ay Soomaaliweyn isugu timid. Sidaas darteed, wuxuu sadarrada sooyaalka ku geli karaa mid ka mid ah caleemasaarradii ugu meeqaanka sarreeyay iyo munaasabadihii dhaqan ee ugu ballaarnaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.
Beesha Murusade, oo ah “Curadka Hawiye”, waxay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed ee ku caan baxay dhowridda dhaqanka. Inkastoo muddooyinkii danbe ay Soomaalida kale kala mid ahayd saamaynta ay siyaasadda casriga ahi ku yeelatay dhaqanka, haddana munaasabaddani waxay muujisay in xididdada dhaqanku weli gun dheeryihiin.
1. Magacbixinta Madaxweynaha ee “Ugaas Mideeye”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa madasha ka hadlay, wuxuuna Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde u bixiyay naanays ka turjumaysa saamaynta caleemasaarku ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed: “Ugaas Mideeye”. Magacbixintani waxay ahayd akhrin siyaasadeed iyo bulsheed oo lagu fasiray doorka Ugaaska Cusub. Magaca “Mideeye” waa mid tilmaamaya hoggaan laga filayo inuu isu keeno bulshada, ka shaqeeyo wadajirka oo u istaago nabadda; danaha guud ee dadkana ka horraysiiyo danihiisa gaarka ah.
2. Ducada Imaamka, Dardaaranka Ugaaska iyo Fidinta Gogosha Qaran
Munaasabadda waxaa miisaan gaar ah siiyay ducada Imaamka Mudulood, Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Ducada Imaamka waxay koobsanaysay barako, filasho khayrsan iyo rejo wanaagsan. Sidoo kale, Ugaaska Murusade wuxuu goobta ka jeediyay dardaaran jaadgoonni ah oo ku aaddan in la iscafiyo oo Alle-Weyne lagu xirnaado.
Waxa kale oo madasha looga dhawaaqay baaq qaran oo ah: “fidinta gogol qaran”. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa qaaday gogol qaran, Ugaaska cusubna wuu ku raacay, halka Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu sii xoojiyay oo guddoomiyay gogoshii bahda dhaqanku ku baaqeen. Arrintan ayaa munaasabadda u rogtay gogol qaran oo laga filayo inay ka dhashaan wadahadal, isu-soo-dhowaansho iyo isfahan bulsho.
3. Kaqeybgalka Madaxda Qaranka
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee munaasabadda ka dhigay mid gaar ah waa joogitaanka madaxda ugu sarreeya ee dalka. Waxaa si weyn uga soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Inta aan ogahay ma jirto madal dhaqan oo hoggaan beeleed lagu caanashubayo ama lagu caleemasaarayo oo uu Madaxweynaha JFS uu ka qeybgalo. Arrintaas darteed, caleemasaarku ha ahaado mid beeleed, haddana wuxuu noqday mid qaran.
Sidoo kale, waxaa oo goobta joogay Ra’iisalwasaaraha JFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac; Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye-ku-xigeenka Aqalka Sare, Madaxweynaha Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha NISA. Joogitaankoodu wuxuu ka markhaatikacay ahmiyadda iyo mugga madasha caleemasaarku lahayd.
Dhinaca kale, waxaa munaasabadda miisaan weyn ku daray kaqeybgalka Madaxdii Hore ee Qaranka, sida: Madaxweyne Hore, Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisalwasaarayaal Hore sida Xasan Cali Khayrre, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cali Maxamed Geeddi, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed Xuseen Rooble.
Madasha Caleemasaarka Ugaaska oo ay ku kulmeen, mucaarad iyo muxaafad, madax hore iyo kuwa hadda jooga, waxay ka halcelisay in hoggaandhaqameedku ka madaxbannaanyahay kaladuwanaanshaha siyaasadeed iyo isriixriixa siyaasiyiinta kala aragtida duwan. Hoggaanka dhaqanku waa bu’da kulmisa qeybaha bulshada oo dhan, waana barta ay ku kulmaan dhinacyada isdiiddan. Sidaas awgeed, waxaa Caleemasaarka Ugaaska lagu guddoonsaday in duubabku u kala dabqaadaan siyaasiyiintii ismariwaayay.
4. Kulminta Qeybaha Bulshada
Dhanka kale, munaasabadda waxaa si muuqata uga soo qeybgalay wakiillo iyo ergooyin ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka. Waxay ahayd dhacdo leh miisaan qaran oo bulshooyin badan dareenwadaag ka muujiyeen.
Waxaa, sidoo kale, madasha isugu yimid culimo, aqoonyahanno, ganacsato, dhallinyaro, madax hore iyo martisharaf kale. Isu-imaatinka jaadkan ahi wuxuu xambaarsanaa farriin ah in dhaqanku yahay meel ay bulshada kala duwan ku wada kulmi karto, xitaa marka siyaasadda iyo duruufaha kale ay dadka kala fogeeyaan.
5. Midnimada Madaxdhaqameedka Soomaaliyeed
Waxaa si gaar ah u muuqday midnimada iyo wadajirka madaxdhaqameedka Soomaaliyeed. Madasha waxaa isugu yimid duubabka iyo hoggaamiyayaasha dhaqanka ee kala duwan, kuwaas oo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ugaasyo, suldaanno, garaaddo, wabarro, malaaqyo, islaanno, boqorro iyo imaamyo. Inkasta oo manaasibtu kala duwan yihiin, haddana dhammaantood waxay ka shaqeeyaan hal ujeeddo oo ah iskuxirka bulshada, ilaalinta dhaqanka suubban iyo ka garnaqidda khilaafaadka.
Waxaa duubabkaas Soomaaliyeed ka mid ahaa, oo aan ka carrabaabi karnaa, Garaadka Absame, Ugaaska Mareexaan, Islaanka Ciise Maxamuud, Boqorka Guud ee Daarood, Ugaaska Xawaadle, Imaamka Abgaal, Garaad Guud ee Dhulbahante (iyo garaaddada kale ee beesha Dhulbahante), Wabarka Baadicadde iyo salaadiin kale oo aan la soo koobi karin. Isu imaatinkoodu wuxuu si muujiyay in inkasta oo magacyada xilalka duubabka, degaannada iyo hannaanka saldanaduhu kala duwanaan karaan, haddana ay wadaagaan hal ujeeddo oo ah: ilaalinta dhaqanka iyo midaynta bulshada.
6. Goorta iyo Goobta Caleemasaarka
Caleemasaarka Ugaaska wuxuu ku soo beegmay xilli ducadii addoomuhu Alle-Weyne baryayeen la ajiibay, oo roobabkii guga ay geyiga Soomaaliyeed maansheeyeen, abaarihii iyo kulaylkiina doog iyo barwaaqo xigsadeen, gaar ahaanna qaboojiyeen Xamar iyo goonyaheeda. Iskubeeganka raxmadda Eebbe iyo Caleemasaarku Ugaasku waxay munaasabadda siisay astaan barako, filasho khayraysan iyo rejo wanaagsan.
Sidoo kale, caleemasaarkani wuxuu ku soo aaday waqti loo qabay baahi faro badan, marka laga eego siduu u shiriyay labeentii iyo haldoorkii bulshada. Sidaas darteed, Ugaaska waxaa hor yaalla hawlo badan oo ay ugu horreeyaan ka qeybqaadashada dadaallada dawladdhiska iyo u darbanaanta u kala dabqaadidda siyaasiyiinta damacooda gaarka ah ku kala tegay.
Farriinta Caleemasaarku Dirayo
Marka la isu geeyo dhammaan qodobbadaas, waxaa banyaal ah in Caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq uu noqday madal kulmisay dawladnimadii casriga ahayd, dhaqankii soojireenka ahaa, iyo qeybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed. Iskudarka dhinacyadaas ayaa munaasabadda u yeelay miisaan gaar ah, waxaana lagala soo bixi karaa in dhismaha Jamhuuriyaddii Saddexaad ka dib, Soomaalidu dib isu qiimayso, dhab u wada hadasho, oo kaladuwanaanteeda siyaasadeed ku dhammaysato tubaha wadahadalka, isu tanaasulka iyo is-aaminaadda.
Farriinta ugu weyn ee munaasabaddani dirtay ayaa ah in dhaqanku weli leeyahay saamayn bulsho oo wax dhista, wax dhaqaajisa, waxna midaysa.



