Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad qado sharaf iyo soo dhoweyn ah oo uu sameeyey Sh Axmed-Nur Ali Jimale, taas oo loogu talagalay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee maalmahan ku sugnaa magaalada.
Odayaasha dhaqanka ee lagu casuumay kulankan ayaa ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, iyo sidoo kale deegaannada Soomaalida ee ku yaalla Itoobiya iyo Kenya. Intii uu socday kulanka qadada, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan muhiimadda iyo doorka dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo xusay kaalinta hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.
Odayaasha dhaqanka ayaa si weyn uga mahadceliyey martiqaadka iyo soo dhoweynta qiimaha leh ee uu sameeyey Sh Axmed-Nur Ali Jimale, iyagoo u duceeyey isaga iyo qoyskiisa, kana baryey in Ilaahay barakeeyo.
Dhankiisa, Sh Axmed-Nur Ali Jimale oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadceliyey odayaasha aqbalidda casuumaadda, isagoo carrabka ku adkeeyey kaalinta muhiimka ah ee ay dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta, islaaxinta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale rajeeyey in odayaashu sii wadaan doorkooda muhiimka ah, wuxuuna Alle uga baryey in si nabad ah loogu celiyo guryahooda iyo deegaannadii ay ka yimaadeen.






