Qoraa Farhan Ali Ahmed , Wasiiru Dowlihii Amniga Soomaaliya
Faylasuufka Maraykanka ee Eric Hoffer wuxuu ku dooday in dhaqdhaqaaqyada xagjirka ahi badanaa u baahan yihiin qof ay neceb yihiin. Nacaybku dadka ayuu mideeyaa, wuxuu siinayaa dareen aqoonsi, laakiin isla waqtigaas wuxuu sidoo kale wataa abuurka burburkiisa.
Buuggiisa The True Believer, Hoffer wuxuu sheegay in dadku aysan mar walba dhaqdhaqaaqyo ugu biirin sabab ay si qoto dheer u rumaysan yihiin; marar badan waxay ugu biiraan sababtoo ah waxay la’yihiin macnaha nolosha, jihayn, ama aqoonsi. Dhaqdhaqaaqu wuxuu markaas siinayaa ujeeddo iyo qof ay eedda dusha ka saaraan.
Dhaqdhaqaaq kasta: ha noqdo mid siyaasadeed, diimeed ama fikradeed, badanaa wuxuu u baahan yahay cadow. Haddii uusan jirin wax wanaagsan oo dadka mideeya, waxaa la abuuraa cid la neceb yahay. Nacaybkaas ayaana noqda waxa dadka isku haya.
Laakiin halista dhabta ahi waxay bilaabataa marka dhaqdhaqaaqu ku dhismo nacayb keliya. Markaas wuxuu u baahan yahay cadow joogto ah. Haddii cadowgii hore la waayo, mid cusub ayaa la abuuraa. Ugu dambayntiina, nacaybku gudaha ayuu u jeestaa: shalay kuwii daacadda ahaa ee ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa ayaa maanta noqda “khiyaanooleyaal” ama “dambiilayaal.”
Haddii aynu si daacad ah u eegno xaaladda Soomaaliya, mararka qaarkood siyaasaddeennu waxay u muuqataa mid ku dhisan cid la neceb yahay: qabiil kale, siyaasi kale, ama koox kale ama urur siyaasadeed iyo sidii looga takhalusi lahaa. Haddii ay dowladtahay waxay ka shaqeeysaa sidii ay Mucaaradkeeda u wiiqi lahayd, loo cabburin lahaa, dibadeedna looga takhalusi lahaa. Haddii ay Mucaaridyihiina, waxay ka shaqeeyaan sidii la iskugu tagi lahaa Dowladda, loogana soo saari lahaa Villa Somalia. Waxaana had iyo goor lagu dul wareegaa meertadaas. Waana mid ku dhisan nidaam cid ka necebyahay.
Tamarta iyo waqtina waxaa lagu bixiyaa ciddii la diidi lahaa, halkii lagu bixin lahaa wixii la dhisi lahaa.
Marka dhaqdhaqaaq ama Dowladi ay waqti badan ku bixiyaan cadow raadinta halkii uu ay ku bixin lahaayeen dhisid iyo xal u helida mashaakilka jirta, ma aha dhaqdhaqaaq ama Dowlad wax dhisaya. Waa mashiin u baahan shidaal joogto ah, shidaalkuna waa dadka la neceb yahay.



