Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in xubno ka tirsan Midowga Haybad Qaran ay saacadaha soo socda soo gaari doonaan caasimadda.
Masuuliyiinta la filayo inay Muqdisho yimaadaan waxaa ka mid ah:
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed,Guddoomiyaha Cabdirisaaq Khaliif Axmed Iyo Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Sida wararku sheegayaan, 8-da bisha Jannaayo ayaa lagu wadaa in Hoolka Sahal lagu qabto munaasabad rasmi ah oo lagu daahfurayo Xisbiga Haybad Qaran, kaas oo ay ku midoobeen dhowr xisbi siyaasadeed.
Munaasabaddaas ayaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan masuuliyiin sare, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.



