Tartanka Qur’aanka ee masjidka Cali Jimcaale oo billowday.

Masjidka Cali jimcaale oo markii ugu horreysay lagu qabtay tartan Quraan oo ay ka qayb galayaan 11 dal.

Waxaa magaalada Muqdisho laga daahfuray Tartan Quraan oo Caalami ah kaasoo markii ugu horeysay waddankeenna sooomaliya lagu qabanayo ayna soo agaasintay Mu’asada barashada iyo xidfinta Quraanka ee Maahir, waxaan marti galiyey Masjidka Cali Jimcaale.

Tartankanka waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 11 waddan oo ay kamid yihii Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Liibiya, Suudaan, Muritaaniya, Keenya, Itoobiya, Marooko, Yamen iyo Urdun, ayaa lagu tartatmi doonaa quraanka Kariimka ah, iyadoo la abaal marin doona tartamaayasha kaalimaha hore ka gala tartankan.

Ugu horeyn waxaa si rasmi ah u daah furay tartanka Quraanka, Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, isagoona ku dheeraaday muhiimad ay leedahay in lagu tartamo kalaamka alle

Intii Xafladda furintaanku ay socotay waxaa goobta ka hadlay Maamulaha Mu’sada Maahir Sheekh Cabdulbaari Cabdiraxmaan, Maamulaha Tartanka Sheekh Cabdullaahi Maxamed, iyo Culumo kala duwan oo kamid ahaa martidii lagu casuumay furitaanka tartanka.

In tartanka intaas le’eg markii ugu horeysay Soomaaliya lagu qabto waxay ka dhigan tahahy heerka aan ka gaarnay dhanka barashada iyo xidfinta Quraanka.